Xubnaha Aqalka sare ee Puntland oo khudbadahooa maanta la dhegeystey.

0
554

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta billababay inay dhageystaan khudbadaha Musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu socdo.

Musharraxiinta u tartamaya xilka ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 29-xubin oo ay ku jiraan Toban Haween ah. Waxaana laga doonayaa inay xubnahaan kasoo baxaan 11-xubnood oo laga doonayo Puntland.

Sidoo kale, Musharaxiinta u tartamaya inay Maamulka Puntland ku Metelaan Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Somalia, ayaa waxaa ku jira RW Sharma’arke, waxaa kaloo ku jira Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo Jen. Moorgan oo horay xilal uga soo qabtay xukuumaddii dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, Dhageysiga Musharraxiinta ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo maalinta berri ah o ku beegan Khamiis lagu wado in xildhibaannada maamulka Puntland ay doortaan xubnaha Aqalka Sare ku meteli doona maamulkooda.

Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan 11-xubnood oo ka mid noqon doona Mudanayaasha Aqalka Sare ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak