Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu shir Guddoomiyay Shika Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo intiisi badan warbixino dhinaca ammaanka ah lagu falanqeeyay, sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo...
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in laba doonyood oo ay lahaayeen ganacsato reer Puntland ah ay ka afduubatay xeebaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Eedeyntan ayaa jeediyay guddoomiyaha degmada Laasqoray ee Puntland, isagoo sheegay in ka xun yihiin falkaan, balse dhinaca kale sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo...
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ku dhex maray degaanka Wargaadhi ciidamada Dowladda iyo kuwa Al shabaab.
Weerar Qaraxyo ku bilawday ay ku qaadeen salaadii subax kadib dagaalamayaasha Al shabaab deegaanka Wargaadhi oo ah Talis weyn oo laga hagaayay dagaalka ka dhanka ah...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah horey loogu diray casuumaad, si uu uga mid noqdo hogaamiyeyaasha...
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga...
Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uusan ka qeyb geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada, ilaa uu ka laabto doorashadii lagu doortay ee dowladda Federaalku ku...
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 24-saac kaddib ka hadlay dilkii magaalada Laascaanood loogu geystay Faarax Jaamac Caydiid, oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.
Taliyaha Ciidanka Booliiska SSC-Khaatumo, S/Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in ay baaritaanno socdaan si loo ogaado cidda ka dambeysa dilka sarkaalka.
Taliyuhu wuxuu sheegay in dadka...
Labo diyaarad ciidan oo kasoo duulay dalka Turkiga ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo warbaahineed oo Turkiga ah.
Diyaaradahan ayaa sida la xaqiijiyay siday ilaa 500 oo askari oo Turkish ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee...
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa sheegay inay kor dhiyeen muddada diiwaangelinta ururada Siyaasadda Dalka kadib markii ay heleen codsiyo uga yimaada dhinaca ururada sida ay hadalka u dhigeen.
Guddiga ayaa ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diwaangelinta ururrada...
Sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood.
Faarax Caydiid Jaamac (Bariiis), oo ahaa khabiir amni oo Itoobiya u joogay magaalada Garoowe, ayaa maydkiisa laga helay dooxada Goojacadde ee magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in xalay lagala baxay guri uu ka...


















