Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta waxa uu isku shaandheen kooban uu ku sameeyay Golahiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya waxaana ay sameeysay ilaa sedex wasiir oo kaliya ah.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa warbaahinta u akhriyay isku shaandheenta kooban ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan weli go'aan ka gaarin inuu isku sharaxi doono mar kale doorashada madaxweynaha ee 2026.
Xasan Sheikh ayaa ku celiyey in go'aan kasta oo ku saabsan suurtagalnimada inuu u tartamo mar saddexaad sanadka 2026 uu ku xirnaan doono xaaladda siyaasadeed marka wareegga doorashada...
Booliiska Somaliland ayaa sharci-darro ku tilmaamay calamo ay ku qoran yihiin magacyo beeleed, kuwaas oo ay dadka qaar baraha bulshada ku baahiyeen ka hor munaasabadda 18-ka May.
Taliyaha Ciidanka Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan 'Cabdi Dheere', oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada booliisku sharciga la tiigsan doonaan cid kasta...
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay qaadeen howlgal ay ku dileen horjoogayaal ka tirsan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab laguna burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen.
Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan uu si gaar ah uu uga dhacay degaanka Maduulow ee gobolka...
Midowga Afrika ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso xoojinta wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro ismariwaaga siyaasadeed, loona dardar galiyo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, ayaa ku dhiirrigeliyay Dowladda Federaalka inay sii waddo dadaallada siyaasadeed ee...
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyadoo Burundi la filayo in ay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya.
Ergooyin ka kala socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga...
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war ay soo saartay waxa ay ugu baaqday shacabka Jubbaland in aan lagu marin habaabin qaadashada aqoonsiga Qaranka ee dhawaan ay hirgelisay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay cadeysay in sharci kasta ama hindise aan si wada jir ah loogu heshiin uusan...
Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa heshiis deeq maaliyadeed la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), kaasoo ku kacaya $2.5 milyan oo lagu taageerayo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya.
Heshiiskaan oo la saxiixay shalay oo Khamiis ahayd ayaa socon doono inta lagu guda jiro 2025-2026 waxaana saxiixay...
Guddoomiyaha midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay ka qeyb galayaasha wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wali u baahan tahay taageerada wadamada Midowga Afrika.
Guddoomiye Maxamuud ayaa qiray inay jiraan horumar ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dagaalka ay kula jirto...
Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
war saxafaadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in Hawlgalkaan uu yimid kadib markii Al shabaab ay isku...


















