Gudigii barlamaanka ee loo xilsaarey arrimaha maanul u sameynta Hiiraan iyo jawhar oo gaarey Jawhar.
Wafdigan ka socday Hay'adda culimada Soomaaliya, gudiga Dastuurka ee Barlamaanka, Gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaan, Gudiga Xaduudaha qaranka iyo gudiga dib u heshiisinta ayaa tagay magaalada Jowhar si ay ugu kuur galaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Masuuliyiintan ayaa tagay holka shirka maamul u sameynta xili ergada...
Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadeed ee Somalia, ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho kazoo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda dalka iyo dib u dhigidda Doorashooyinka sannadkan 2016-ka dhacaya.
Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasaddu ay soo saareen;
Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay inay baryahan dambe kusoo badanayaan dhallinyaro habeenkii jidadka dadka ku baadha isla markaanka shacabku ka cawdaan.
Barasaabka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doonno kooxo dhalinyaro hubaysan oo khal-khal ku riday amaanka magaaladda Burco, kuwaas oo...
Ku-xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM, Mohammedesha Zeyinu ayaa Soomaaliya qeybo ka tirsan booqday.
Wuxuu xilkaa Mohammedesha Zeyinu hayay muddo ka badan hal sano iyo bar. Horay wuxuu u heyn jiray xilka hawlgalada iyo qorsheynta ee AMISOM.
Xaflad muddo gaaban gudaheed lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa kala soo qeyb galay...
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa sheegay inay ka baxayaan wadahadalka ay kula jiraan Somaliland, haddii aysan joojin fara-gelin iyo kala qaybin uu sheegay inay ka dhex-wadaan shacabka Khaatumo.
Prof. Cali Khaliif Galeydh, ayaa sidoo kale, sheegay inuusan diyaar u ahayn in uu Somaliland ka biro, wuxuuna beeniyay warar...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray in la furo waddooyinka lagu xirtay dhagaxaanta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin xirnaanshaha qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, isagoo ugu baaqay cid kasta oo ay waddo u xiran tahay inay furto.
“Runtii...
Madaxa nabad sugida ayaa doonaya in uu xilka ka qaado 1,500 ka tirsan nabad sugida Soomaaliya maadaama falalka amni darro ay kusoo badanayaan dalka.
Waxaa shalay warbaahintu heshay in Jeneraal C/Laahi Gaafow uu qorsheynaayo inuu xilka ka qaado saraakiishaa. Waxaa wararku intaa ku darayaan inuu shaaciyay mar hore in la doonayo...
Waxay xalay loo dabbaal dagay sannad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay matxafka dhaqanka Soomaalida ee Minnesota.
Munaasabad gaar ah oo loogu talagalay xuskan ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo iyo bandhigyo la xidhiidha dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Waxaa kasoo qeyb galay fannaaniin caan ah oo Soomaaliyeed.
Waxaa fannaaniintaa...
Wasiiru dowladaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas ayaa maanta shaaciyay in uu is-casilay ka dib khilaaf ka dhashay deeqo uu soo dhiibay oo la musuq-maasuqay.
Maxamed Cabaas oo la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in uu waraaqdiisa is-casilaad-da u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland , mana...
Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardid, ayaa waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjiraha Cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ay u magacowday Dalka dalkaas, Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud.
Danjiraha Soomaaliya ee Koonfurta Sudan, ayaa waxaa Munaasabaddii looga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Juba, ayaa waxaa Goob-joog...


















