Wasiirkii arrimaha debedda dalka Itoobiya oo xil ka qaadis lagu sameeyey.

0
248
epa02916969 Ethiopian Foreign Minister Hailemariam Desalegn addresses a joint press conference after his meeting with his Egyptian counterpart Minister Mohammed Kamel Amr (not pictured) in Cairo, Egypt, 14 September 2011. Ethiopian Foreign Minister arrived on an official visit to Egypt on 14 September, days before the planned visit of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi who is due to meet with Egyptian officials. According to local media reports, the Nile Basin negotiations and the situation in Libya, Sudan and Somalia will be the main focus of the talks. EPA/MOHAMED OMAR

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa dhinaca kalana siyaasad ahaan aad ugu dhawaa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa is badal looga gon leeyahay in lagu dajiyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalkaa ku sameeyay gollihiisa wasiirada isaga oo shaqdii ka eryay wasiiro aan laga fileyn.

Ra’iisal wasaare Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub, waxaana xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirradii arrimaha dibada iyo maaliyada.

Ku dhawaad hal sanno waxaa dalka Itoobiya ka soconaya dibadbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah qowmiydaha dalkaas, waxaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo lagu sugayo ammniga.

Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama la sheegay in uu u tartamayo qabashada xilka madaxa hay’adda caafimaadka aduunka WHO, waxaana uu ka mid ahaa wasiirada ugu miisaanka cuslaa xukuumada.

Waxaa lagu bedelay Tedros Adhanom Hoggaamiye ku-xigeenka Ururka Dimoqraadiga Oromada, kuwaasoo qeyb ka ah isbaheysiga tallada haya.

Ugu danbeyntii, waxaa la filayaa in la sameeyo is badallo kale oo dowladda hadda jirta si looga jawaabo cabashada qowmiyadaha dalkaas ee dibadbaxyada dhigaya oo ku eedeynaya dowladda in maamulkii lagu koobay qowmiyadu gaar ah.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak