Friday, August 7, 2026
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Shalay kormeer ku tagay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobolka Baay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan  ka adkaan doonaan kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ku amaanay sida ay naftooda...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley iyagoo kulan koodi diiradda ku saaray arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in la horumariyo hannaanka dowlad dhisidda. Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah...
Wasiir u dowlaaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin shirka Wadatashiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay wadatashi ballaaran oo aan ku ekeyn Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo kaliya. Wasiir Cabdifitaax Cabdi Nuur oo la hadlay BBC Soomaali ayaa sheegay in loo baahan...
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeedi. Wasiirka ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo mas’uuliyiinta caalamiga...
 Qaar kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa bilaabay olale ay ku muujinayaan inay ku garab taaganyihiin Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana Nuug oo dhowaan hadal ceebeyn naafanimadiisa uu Golaha Shacabka ka sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Xildhibaanadaan oo watay Bakoorado si ay u muujiyaan in naafanimadu wax xun ahayn ayaa...
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay safarro rasmi ah oo uu ku tegayo dowlad goboleedyada dalka, si uu uga dhaadhiciyo muhiimadda ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Danjire Jams Swan ayaa la filayaa inuu todobaadkaan tago dowlad goboleedyada Puntland iyo...
Ururada u dhaq dhaqaaqa Naafada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xadgudub iyo gaf lagula kacay ay u arkeen dadka aan lixaadkoodi dhameystirneen hadal uu laba maalin kahor uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku yiri mid kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka. Maxamed Cabdisalaam Diiriye Guddoomiyaha Dalada Xoojinta Naafada...
Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday in dal-ku-gal lagu bixiyo baasaboorka Taiwan, xilli uu sii xoogaysanayo xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Beijing. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay kasoo horjeedo xayiraadda baasaboorka, iyo in dowladda Soomaaliya...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golahaasi. Sababta fadhiyada looga joojiyay xildhibaannadaan ayaa lagu sheegay arrimo amni dartood, iyadoo sidoo kale guddiga xeer hoosaadka ee Golaha uu ka codsaday guddoomiyuhu in ay...
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee xilalka kala duwan kasoo qabtay Soomaalida sida Madaxweynihii hore Sheekh Sharif, Ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa si kulul u cambaareeyay hadalo gaf ah uu Golaha Shacabka ka sheegay Guddomiye Aadan Madoobe. War saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxdaan...