Maamulka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in waxba aysan ka khuseyn go’aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa qodobadii shirka kasoo baxay ku tilmaamay kuwo aan waxba soo kordhinayn, islamarkaana aan waxba ka beddeli karin xaaladda...
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin dhan ilaa $10 milyan oo doolar oo la siin doono cid kasta oo keenta xog lagusoo qaban karo Cabdullaahi Banati oo mas’uul ka ahaa weerarkii ka dhacay saldhigga ciidamada Mareykanka iyo Kenya ee Manda Bay, Kenya, 5-tii Janaayo 2020.
Weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab,...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si kulul weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kuna eedeeyay Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka.
Farmaajo waxa uu ku tilmaamay Shirkii Madasha in lagu abaabulay qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u...
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa war-murtiyeed ka soo saaray shirkoodii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo ku gaaray isfaham siyaasadeed iyo wadashaqeyn ku aaddan arrimaha amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Golaha Wadatashiga ayaa isku raacay in la taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxa kale oo lagu adkeeyay baahida loo qabo...
Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland ayaa samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay 6 bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3 milyan oo Shilin Somaliland ah.
Warbaahinta looma soo bandhigin eedaha lagu helay Coldoon ee ay maxkamaddu u cuskatay xukunkeeda. Waxa kale oo la sheegay in uu diiday...
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku naf waayay, 35 kalena way ku dhaawacmeen kaddib weerarro cirka ah oo ay Hindiya xalay ka fulisay gudaha Pakistan.
Hindiya ayaa sheegtay in weerarradan lagu beegsaday xeryo argagixiso oo ay sheegtay inay ku yaallaan gudaha Pakistan. Weerarradan ayaa yimid kaddib markii ay Hindiya ku...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga amniga Soomaaliya iyo Mareykanka ee soo jireenka ah iyo xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee labada dhinac.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Safiirka Dowladda...
Dowladda Algeria ayaa sheegtay inay dooneeyso inay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagexisada waxaana hadalkaan ka dhawaajiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Ibraahim Boughali oo soo dhoweeyn u sameeyay dhigiisa Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.
War saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka labada Guddoomiye ayaa lagu sheegay in Dowladda Algeria...
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in xukuumadda Somaliland ay shuruud la’aan ku sii deyso maxaabiista SSC Khaatumo kaga xidhan Hargeysa, iyada oo aan lagu beddelan maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood.
Waxa uu sheegay in sii deynta maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood ayna ahayn arrin sahlan,...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo maanta ka hadlaayay munaasabadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Xildhibaan Xaadoole oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka uu yahay Xildhibaan dhibaato ku haaya Maamulka Hirshabeelle.
Cali Guudlaawe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada xanafta leh ee ka imaanaya Xildhibaan Xaadoole...


















