Qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka taagan abaaro ba'an ayadoo haatan meelaha qaar dadka iyo duunyaduba ay geeri qarka u saaran yihiin.
Sida hayadaha samafalku sheegayaan abaaro ba'an ayaa wali ka jira Somaliland, Puntland iyo qeybo badan oo bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ah kadib markii roobabkii ay baaqdeen...
Inkastoo aan la hubin ayaa waxaa laga cabsaday Donald Trump in lasoo weeraro mar uu xalay khudbad ka jeedinaayay gobolka Nevada.
Si kastaba ha ahaatee, Trump waa uu soo noqday oo wuxuu dhammaystay hadalkiisii uu jeedinaayay. Nabad sugida Mareykanka ayaa xiray nin laga shakiyay oo ku sugnaa meel uu Trump...
Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Baker ayaa sheegay in Xukuumadda Ankara ay Bil kastat Dowladda Somalia siiso 2-milyan oo doollar oo kaash ah, si ay mushaarka ciidanka iyo arrimaha kale ee xukuumadda ugu isticmaasho.
Danjire Baker oo wareysi siinayay VOA-da, ayaa sheegay in Taageerada Lacageed ay soo billaabatay bishii...
Xukuumadda Turkiga ayaa maanta xabsi u taxaabstay Sagaal Wariye oo ka tirsan wargeyska Mucaaradka u Janjeera ee Cumhuriyet, kuwaas oo la sheegay in maxkamad ku taalla Turkiga ay amar ku bixisay in lasoo xiro.
Suxufiyiintan la xiray ayaa waxaa ku jira tifaftirahii wargeyska, farshaxamiiste caan ah iyo Qoraa Dowladda dhaliila,...
Xukuumadda Talyaaniga, ayaa sheegtay inay Saddex qof oo Afduub loogu haystay dalka Liibiya illaa bishii September ee lasoo dhaafay awood lagu soo furtay, haatan ku sugan yihiin dalka Talyaaniga.
Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Talyaaniga, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in saddex ruux ee lasoo furtay ay Laba ka...
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka billaabatay magaalada Garoowe, ayaa waxaa isaga baxay xubno ka cabanaya doorashada.
Doorashada ayaa waxaa ka baxay 64 xubnood oo ka mid ah ergooyinka gobollada Hayland iyo Sanaag ee Puntland, kuwaaso Gudiga Doorashada ku eedeyay inay Musuq-maasuq iyo isdabo maryayn ay...
Afrika ayaa jacayl xooggan u qabtay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Barack Obama markii 2008 ladooranayay.
Ninkaa ayaa asagu asalkiisu yahay nin madow oo aabihii madow uu ahaa hooyadiina caddaan gaar ahaana aabihii Hussein Obama ayaa kasoo jeeday Kenya.
"Riyadeenii ayaa rumowday; wiilkeena ayaa ah rajadeena", sidaa ayaa warka madaxdiisa...
Waxaa magaalada Garoowe xiligan ka soconaya doorashada xildhibaannada aqalka hoose ku matalaya dowlad gobolleedka Puntland, waxana durbaba la shaaciyay magacyada xildhibannadii ugu horeyay ee guuleystay.
Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku guuleystay kursiga aqalka hoose, isaga oo hellay 49 cod halka musharixii la tartamayay oo...
Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen hoteel ay degenaayeen qaar ka mid ah ergada soo xuleysa xildhibaannada aqalka hoose ee dalka uga mid noqonaya dowlad gobolleedka Puntland.
Weerarkan oo ka dhacay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah hoteellada...
Maamulka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inuu dhul ugu deeqay qaxootiga laga celinaayo Dhadhaab ee Soomaaliya gaar ahaan Jubaland dib ugu laabanaya.
In dhawaaleba waxaa socotay celinta qaxootiga Dhadhaab hadba in ayadoo in badan oo qaxootigaa ah horay loo geeyay meelo kala duwan oo Jubaland ka tirsan. Meelahaa ayaa waxaa...


















