Monday, August 10, 2026
Iyadoo ay jireen cabashooyin iyo gabood fallo lagula kacey oo  kasoo yeerayey Musharixiinta,Ergooyinka iyo beelahaka qeyb galayey Doorashada dadban ee ka dhaceysa Maamul goboleedyada dalka ayna dafirayeen dadka iyagoo iyagu wax doonaya hadana hawsha ka noqdey kuwo Fuliya,maamula hadana garsoora wixii khilaaf ka dhasho,isla markaasna ay dhankooda u weecinayaan...
Gaari ay leeyihiin ciidammada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, kaddib markii miino dhulka loogu aasay. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidammada AMISOM ee la socday gaariga, hasse ahaatee waxaa uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo xiligaa marayay goobta uu...
Hawl-gal khasaare geystay, ayay Dowladda Somalia sheegtay in xalay laga fuliyay tuulo ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose. Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Weerarkan oo lagu beegsaday Tuulo Qiyaastii 60-km u jirta degmada Qoryooley, oo ay ku sugnaayeen Xoogag ka tirsan, Waxaana lagu dilay afar ka tirsan Al-shabaab,...
Kulan mar kale maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa hishiis hor dhac ah looga gaaray colaada iyo dagaallada ka taagan qeybo ka mid ah galbeedka magaaldaa Beledweyne.. Kulanka ayaa waxaa marka laga soo tago waxgaradka labada beellood, siddoo kale goob joog ka ahaa guddi dhawaan arintan loo saaray oo ka...
Laanta BBC-da qaybteeda la hadasha caalamka ayaa qorshaynaysa in adeegyo cusub ay ku soo kordhiso idaacad-da ka dib markii dowladda Ingriiska ay ku dhawaaq-day maal-galin cusub oo lagu balaarinayo BBC-da. Barnaamij-yadan cusub ee ay bilaabayso BBC-da waxaa kamid ah kuwa ka hadlaya sayniska ,hal abuurka iyo doodo caalami ah oo...
Madaxweynaha dalka Turkigaa Recep Tayyip Erdogan ayaa fariin digniin ah u dirray midowga Yurub, isaga oo sheegay in boqolaal kun oo muhaajiriin ah ku fasixi doono Yurub haddii midowga uusan joojin hanjabaadaha ka dhanka ah dalkiisa. Hadalka ayuu ka sheegay Erdogan shir ku saabsan cadaalladaa haweenka oo lagu qabtay magaalada...
Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa soo gaaray magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia oo 24-kii bishaan ay ka bilowdeen Ciyaaraha Kubada Cagta iyo Koleyga ee dhalinyarada Soomaaliyeed.   Safiirka, ayaa duhurnimadii Khamiista waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee...
Kooxaha dabdamiska ayaa la tacaalaya siddii ay u damin lahaayeen dab ballaaran oo ka kacay agagaarka magaalada Haifa ee dalka Israa'il, waxaana lagu waramayaa in dabku yahay mid saameyn weyn yeellanaya. Kooxaha gurmad qaarkood ayaa sheegay in qeyb ahaan hadda dabka la xameynayo, walloow meellaha qaar wali laga sii arki...
Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Avv. Cumar Max'uud C/dulle ayaa sheegay in baarlamaanka cusub looga fadhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howsha guddiga doorashada dadban ku eg tahay marka la tiro uu ku buuxsamayo kooramka baarlamaanka cusub oo la wareegi doona go'aan ka gaarista waqtiga...
Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay si toos ah u bilaabeyso sahanka shidaalka ayada qudheedu. Somaliland ayaa awal waxaa shidaal baaris ka waday shirkado dalal shisheeye laga leeyahay. Wazaarada Macdanta ee Somaliland ayaa qirtay in haatan ay hawshaa ka caawin doonto shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay. Shirkadaa ayaa si kastaba ha ahaatee...