Tuesday, August 11, 2026
Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaadday xalay Weerar Saldhig ay Ciidamada Dowladda Somalia ku leedahay Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaal muddo socday qaatay ayaa dhex-maray Militariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday saldhigga Laanta-buuro, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay u suuro-gashay inay saldhigga muddo kooban la wareegaan. Sidoo kale,...
Kulliyad cusub ayaa laga dhex furay Jaamacada Ummada ee Muqdisho. Shalay Sabtidii ayaa xarigga laga jaray kulliyadaa cusub. Madaxa Jaamacada Ummada Maxamed Axmed Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in tiknoolojiyad la'aan dal uusan horumarayn sidaa darteedna maamulka jaamacadaasi uu sidaa u bilaabay kulliyadaa. Wuxuu Maxamed Axmed Jimcaale sheegay in jaamacada...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo Xassan Sheekh Max'uud oo markii ugu horeysay ka hadlay cabashada ka jirta doorashada aqalka hoose, ayaa sheegay in uu qirayo in qaladaad ay dhaceen, laakiin sidda uu hadalka u dhigay qaladaadkaasi yihiin kuwo aad u yar. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaliil kasta oo soo baxda ama...
Ururka Eastleighwood oo ka shaqeeya xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi kana shaqeeya arimaha wacyi galinta, dhaqanka, farshaxanka, is dhexgalka, jiheynta dhalinyarada iyo barnaamijyada tababarada ayaa shalay qabtay bandhig lagu soo bandhigayay dhaqan Soomaaliga iyo dhaqamada bulshooyinka kale ee Kenya ku dhaqan. Shalay ayaa waxaa bandhigaasi uu ka dhacay xarunta Liberty...
Ugu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal, ayaa sheegay inay arkeen Meydadka dhawr qofood oo goobtii...
Waxaa deegaanadda Somaliland qaar ka mid ah lasoo sheegayaa inuu ka da’ay roob biyo dhigay oo Maasheeyay Dhulkii boorku ka duulaayey ee jiilaalka darteed looga guuray. Deegaanadda roobku helay waxa ka mid ah magaaladda Hargeysa oo xalay uu helay roob shuux ahi, deegaanadda Sallaxley hoos yimaada, degmadda Allabaday iyo Wajaale,...
Qarax ayaa Goor-dhaw ka dhacay waddada Afsiyooni ee laga galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Goobjoogayaal ayaa WARSOM u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid dhawaaq weyn, balse aanay ogeyn goob kala beegsaday, waxaana halka uu Qaraxu dhacay laga Maqlayay Dhawaaqa gaadiidka gurmadka...
Danjiraha QM Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub. Danjire Micheal Keating ayaa la filayaa in uu halkaa kulamo kula yeesho masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo xubnaha gudiga doorashooyinka heer...
Hayada QM u qaabilsan arimaha socdaalka ee IOM ayaa siisay booliska Puntland tababar kusaabsan la dagaalanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka iyo weliba tacaddiga ka dhanka ah dumarka. 30 askari oo boolis ah ayaa tababarkaa ka qeyb qaatay kasoo lagu siiyay asaasiyaad kusaabsan sidii looga hortagi lahaa falalkaa. Waxaa sidoo kale...
Hoggaamiyihii hore ee dalka shuuciga ah ee Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday xalay waqti dambe. Castro ayaa markii uu dhintay xalay jiray da'da 90. Talefishinka qaranka ee Cuba ayaa shaaciyay geeridiisa. Hoggaamiyehaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha muranka ka dhaliyay caalamka waqtigii uu ka talinaayay dalkaa. Wuxuu ka badbaaday...