Tuesday, August 11, 2026
Masuuliyiin kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka cawday in kuraasta dheeraadka ah laga qadiyay masuuliyiinta gobolka Banaadir ama beelaha daga gobolkaa. Kuraastaa ayaa ah 18 dheeraad ah oo dhawaan lagu kordhiyay  aqalka sare. Gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir ayaa ka cawday go'aan ka soo baxay madasha qaran kaasoo ku...
War qoraal oo xalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ayaa lagu amray guddiga doorashada heer federaal in ay dib ugu laabtaan dib u soo doorashada kuraasta shan xildhibaan oo afar ka mid ah ahaayeen 11kii xildhibaan oo horay ay u laaleen guddiga madaxabanaan ee...
Madaxweynaha Jabuuti iyo kan Masar ayaa kulmay kadib markii madaxweynaha Jabuuti uu socdaal ku tagay Qaahira dalka Masar. Labada madaxweyne, waa Ismaaciil Cumar Geele iyo C/Fataax Al-sisi ayaa ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal. Labada dal ayaa waxaa u dhexeeya xiriir soo jireen ahaa oo walaaltinimo ayagoo iska...
Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka. Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta...
Maxweynaha Maamulka Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galayr ayaa shegay in marnaba maamulkiisu ku biiri doonin Somaaliland. Pro Galeyr ayaa sheegay in wadahadalada u socda Somaliland iyo Khaatumo ay ku wajahan yihiin oo kaliya sidii Somaliland iyo Khaatumo nabad ugu wada noolaan lahaayeen iyo daris wanaag. 'Maamulkeena Khaatumo kuma biiryo maamulka...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya xalay dagaal ku dhaxmaray deegaan lagu magacaabo Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid khasaare baalaran geysatay uu ka dhashay dhulbeereed lagu murmay, waxaana wararku...
Taliska ciidamada militariga Kenya ayaa uga digay ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM in ay saameyn ku yeeshaan siyaasada Soomaaliya. Taliyaha guud ee ciidamada Kenya Samson Mwathethe iyo xog-hayaha difaaca  Raychelle Omamo ayaa uga digay ciidamada ka weecdaan howlahooda shaqo, iyaga oo saameyn ku yeellanaya...
Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa saamayn militari ku yeelaneysa geeska Africa, iyadoo taageero militari u fidineysa dalalka gacanka waqooyi bari Africa. Waqooyi bari Africa ayaa waxaa dhaca ama ku yaala sideed dowladood. waxaa ay siddoo kale dawlada Imaaraatka Carabta halkaa ka heshay labo xero oo militari. Mid ka mid ah xeryahan ayeey...
Kaddib war-murtiyeed ka soo baxay habeen hore shirkii madasha-wada-tashiga oo maalmihii ugu danbeeyayba  uga socday magaalada Muqdisho hogaamiyayaasha madasha-wada-tashiga, ayaa lagu go’aamiyay in 18 xubnood lagu kordhiyo aqalka sare,  iyadoo mid saddex xubnood maamul walba loo kordhiyay. Haddaba  madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas, ayaa sheegay in siddexda...