Kulan Lacago loogu ururinayo Abaaraha Soomaaliya oo ka dhacey Nairobi.

0
234

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa shirkaasi kala qeybgalay,wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ,safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mas’uuliyiin ka kala socotay dowlad goboleedyada dalka ka jira ,iyadoo sidoo kale ay xaadireen wakiillo ka socday hay’adaha deeq bixiyeyaasha caalamka iyo safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Nairobi.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku-xigeenkaa labaad ee Golaha Shacabka oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi shirkaasi kadib ayaa tilmaamay in xaaladda iyo saameynta abaaraha ee dalka ay yihiin kuwo xoogan sidaasi darteedna ay tahay in loo midoobo sidii gurmad deg deg ah lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku saameysay gobollada Dalka.

“Waxaan bilaha soo socda bilaabeynaa iyadoo doorashooyin lagu jiro, iyo xaalado siyaasadeed oo adag ,isla xisaabtan ha haato dowladda ama ama dowlad goboleedyada,waxaan u jeedinay deeq bixiyeyaasha iney dadaalkooda laba jibbaaraan, hay’adaha farsamo ahaan dalka ka shaqeeya iyo guddiyada heer qaran ama heer dowlad goboleed ee gurmadka loogu talagalay ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu howlgallo”ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyntii,guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu wada gurman lahaa inaga oo mideysan.

warsom2011@gmail.com