Qaramada midoobey ayaa si adag uga hadashay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bartilmaameesaday hoteelka Dayax ee degmada Waabari.
Afhayeen u hadlay QM oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in qaraxyadii shalay ka dhacay hotelka Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayo howlaha doorashada ee dalka socda.
Waxaa uu intaa ku darray in QM si weyn uga walaacsan tahay qaraxyada lagu qaadayo hoteelada magaalada Muqdisho,, waxaana uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay la timaado qorsho looga hortagaayo qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.
Hadalka ka soo baxay QM ayaa kusoo beegmaya xilli ay shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen waraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 28 qof 50 kalena ay ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyada weerarkii shalay waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.
warsom2011@gmail.com