Ciidamada dalka Suuriya ee xukuumada Bashaar al-Asad ayaa wali dagaal culus wajahaya kaasoo ay kula jiraan maleeshiyaat ku go'doonsan meel u dhow caasimada Dimishiq walow qeybo badan oo dalkaa ah laga riixay fallaagada.
Ciidamadaa fallaagada ah ayaa muddo ku go'doonsanaa Dimishiq meeshaa u dhow oo lagu magacaabo Wadi Barada. Meeshaa...
Dowladda K/kuuriya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay u safraan Soomaaliya sababo la xiriira sida ay sheegtay xukuumada K/kuuriya sababo la xiriira ammniga.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa looga mamnuucay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen, Libya iyo Afghanistan ilaa lixda...
Dawlada Uganda ayaa ugu baaqday dawlada Soomaaliya in la dadajiyo dhisidda ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed-ciidamo nidaamsan oo ka tabar badan sida haatan ciidamada SNA ay yihiin.
Taliyaha ciidanka difaaca Uganda Jeneraale Edwardo Katumba Wamala ayaa sidaa yiri shalay Isniintii mar uu booqasho ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Booqasho 3...
Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Max'ed Islaam oo khudbad dheer oo uga hadlayay waxqabadka maamulkiisa ee sanaddii aynu kasoo gudubnay ka horjeedayay xubnaha golaha wasiirada Jubaland ayaa ka hadlay arimo ku saabsan kuraasta ay gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay shaaciyeen in si musuqmaasuq ah lagu soo doortay oo dib...
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey una taagan mar kale Xassan Sheekh ayaa ka hadlay hawlaha u qabsoomay dawladiisa iyo hawlaha qabyada u ah ee ay dhammaystiri doonto hadii dib asaga loo soo doorto.
Munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho ayuu Madaxweyne Xassan Sheekh ugaga faallooday arinkaa. Khudbad aad u dheer oo uu halkaa...
Ayadoo abaaro ba'an ay ka jiraan Soomaaliya qeybo badan oo ka tirsan ayaa haatan waxaa laga soo tebinayaa gobolka Bari war wanaagsan oo ah in roobab ay ka curteen ama ka da'ayaan haatan.
Dhawaan ayaa korontada meelo badan oo gobolkaa ah la damiyay kadib markii laga baqay inay dhibaato keento...
Gudiga doorashada baarlamaanka, ayaa lagu wadaa in ay maanta bilaabaan diiwaan-galinta musharixiiinta guddoonka baarlamaanka, kaddib markii maalintii shalay gudiga ay shaaciyeen in 11-12 bishan Janaayo la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.
Guddoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay maanta bilaabayaan diiwaan gelinta dadka doonaya inay xilalkaasi...
Haweeney muhaajirad ah oo Soomaali ah ayaa dhimatay ayadoo gudbaysa xadka Bulgaria.
Meydkeeda ayaa laga soo helay Isniintii shalay ahayd meel u dhow tuulada Ravadinovo. Wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi Bulgaria ayaa sidaa shaacisay.
Booliska dalkaa ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay 31 tahriibeyaal ah oo aan aqoonsiyo shaqeynaya wadan Axadii.
Dadkaa...
Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah u ansixiyey miisaaniyadda qaranka oo maalmihii u dambeeyey horyaalay golaha, taas oo cidiba ka doodin.
Xildhibaanadag golaha Wakiiladda ayaa buuq ka dhashay ka dib markii xildhibaanadda qaarkood soo jeediyey in duuduub lagu ansixiyo, halka qaar kale soo jeediyeen in laga dooddo miisaaniyadda...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo barqanimadii maanta lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwa loo adeegsaday gadiid walxaha qaraxa lagu soo raray ayaa kan hore lagu weeraray barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee ka howlgala ilaalinta...


















