Wednesday, August 12, 2026
Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi uu horkacayo wakiilka gaar ah ee QM Micheal Keating. Wafdiga QM waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlad iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM. Micheal Keating iyo wafdigiisa ayaa xiligan ku sugan...
Maxkamad ku taala Somaliland ayaa xukuntay dad ayagu ku lug yeeshay ka ganacsiga iyo safrinta qamri. Maxkamadaa ayaa milkiilihii qamrigaa ee asagu ka ganacsanaayay ku xukuntay 4 sano oo xarig ah iyo 4 milyan oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah. Sidoo kale, wadihii gaari lagu safrinaayay qamrigaa ayaa lagu...
Ururka Al-shabaa ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay magaca shaqsigii isku qarxiyay Isniintii todobaadkan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho gaar ahaan hotelka Peace. Magaca shaqsiga fuliyay weerarkii labaad ayeey ku sheegeen Al-shabaab Max’ed Abuukar Calasoow oo ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Balcad. Cod maqal ah oo la sheegay in...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo wafdi xildhibaano ah oo uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga madaxweynaha socdaalkiisa ku wehlinaya ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan C/llaahi Goodax Bare oo ka tirsan mudanayaasha gollaha shacabka ee lagu doortay magaalada Jowhar. Garoonka diyaaradaha Ugaas...
Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya mid ka mid ah gadiidka hay’adda UNDP oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qarxiyay gudaha garaash ku yaala xarunta hay’adda. Qaraxa oo ahaa mid gaariga lagu dhajiyay ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada xarunta hay’adda UNDP, waxaana...
-Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay galinkii dambe dib u qabsaday Mooragaabey, gobolka Bakool. Halkaa ayaa dhawaan waxaa qabsatay xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Sida sargaal ka tirsan ciidamada dawlada uu sheegay xarakada Al-Shabaab ayaa isaga baxday Mooragaabey mar ay ciidamda dawlada iyo AMISOM kusoo siqayeen halkaa. Sargaalkaa ka tirsan...
Qarax sida la sheegay gaari lagu xiray ayaa ka dhacay gudaha garaash gadiidka la dhigto meel aan ka fogeyn xarunta hay’adda UNDP,  kaa oo sababay dhaawaca ilaa afar ruux. Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa lagu waramayaa in uu xalay ku baryay gudaha garaashka, hasse ahaatee saakay ayaa la maqlay...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in xeebta degmada Marka , gaar ahaan deegaanka Gendarshe laga helay meydadka lamanaayaal ajnabi ah oo loo maleynayo in ay ahaayeen dalxiisayaal. Goob joogayaal warbaahinta gudaha la soo xiriiray ayaa sheegay in meydadkana loo maleyanyo in ay ka soo jeedaan wadamada reer...
Dabley hubeysan ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday barkoontarool oo ay ciidammada dowladda ku lahaayeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas xoogan laga maqlay  kaantaroolka dhinaca W/qooyi ee laga soo galo degmada Jowhar, kadib markii ciidamadii halkaa ku sugnaa weerareen kooxo hubeysan. Ma jiro ilaa...
Xarakada Alshabaab ayaa dad gacmaha jartay dadkaas oo ahaa labo rag ah oo gacmaha midig la jaray kadib markii maxkamad Al-Shabaab leedahay ay sheegtay inay ku heshay xattooyo. Raggaa ayaa maxkamadu sheegtay inay wax ka xadeen dukaan kuyaala deegaanka Kunturwaarey ee Shabeelaha Hoose. Gacmaha ayaa shalay galab raggaa looga jaray meel...