Gudoomiye kuxigenkii gud.qabanqaabada Doorashada M/weynaha oo is casiley.

0
722

Gudoomiye kuxigeenkii Gud. qabanqaabada Doorashada M/weynaha ayaa is casiley kadib markii lagu eedeeyey in uu ka gudbey xadkii dhex dhexaadnimada maadaama uu musharax gaar ah sheegey in uu taageersanyahey uuna ka qeyb galey goob uu musharax kamid ah musharaxiinta uu kusoo bandhiggayey taageerayaashiisa.

Sanetor ah general ciidamada qalabka sida Fartaag ayaa waxa uu ka qeyb galey meel uu musharax Xasan SHeekh isugu keeney xildhibaanada barlamaanka qaar kamid ah kuwaasoo sheegey  in ay taageersayihiin  Xasan Sheekh isaguna waxa uu kamid ahaa dadka sidaas u hadley taas oo ay musharaxiintu u arkeen in uusanastaahilin in uu kamid noqdo gudiga qabanqaabada doorashada m/weynaha la filayo in ay 8da bishan dhacdo insha allaah.

DHanka kale Gudoomiyaha gudigaas ayaa iska riixey eed loo soo jeediyey oo aheyd in aan go’aan ka gaari karin kaligiis meeshana ka saari karin qodob kamid ah jadwelka doorashada oo uu barlamaanku isku raacey taas oouu C/raxmaan Bayle sheegey in aysan sax aheyn in musharaxiintu ay sidaas yiraahdaan maadaama buu yiri ay gudigani yihiin kuwo waqtiga beeqaaminaya illaalintiisa u xil saaran.

warsom2011@gmail.com