Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan telefishinka Universal ayaa waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaya waxaa uu magaalada Jigjiga kula yeeshay ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Ra'iisal wasaaraha waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee Itoobiya.
Waraysiga ayaa Cabdisalaan Hereri waxyaabaha uu...
Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego.
dadweyne badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul.
Barrow ayaa isbuucii la soo dhaafay lagu dhaariyay dalka Senegal, kadib markii uu diiday Yaxye Jammeh in uu xafiiska baneeyo.
Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa...
Al-Shabaab ayaa weerartay Kulbiyow Jubada Hoose halkaa oo ay ku gashay ciidamo ka tirsan kuwa KDF ee AMISOM.
Dagaalkaa oo cuslaa ayaa goob jooge u sheegay Hiiraan Online in al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.
Intaa...
Michael Keating oo ah ergayga xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in cawaaqib xun uu mudan doono madaxweynihii musuq lagu doorto Soomaaliya.
Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ee bisha danbe dhici doonta ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada.
Gaar ahaan Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan musharixiinta daneynaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha Jamhuuriyada ilaaliyaan jadwalka is diiwaangalinta musharixiinta...
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa shirkaasi kala qeybgalay,wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ,safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mas’uuliyiin ka kala...
Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka dalbeysa ciidamada AMISOM inay magdhaw ka bixiyaan 14 qof oo rayid ah oo ay sheegtay inay ku dileen gudaha Soomaaliya.
War saxaafadeed maanta ay HRW kasoo saartay Nairobi ayaa lagu shaaciyay waxyaabihii ay kasoo ogaatay baaritaan ay dhawaan dilalkaa ku samaysay.
14ka...
Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo xaqijiyo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo ka hortaga kooxaha argagixisada ah.
Xildhibaanada baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-shabaab dagaal...
Qaramada midoobey ayaa si adag uga hadashay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bartilmaameesaday hoteelka Dayax ee degmada Waabari.
Afhayeen u hadlay QM oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in qaraxyadii shalay ka dhacay hotelka Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayo howlaha...
Diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka bilaabato xarunta Villa Hargeysa sida ay sheegeen gudiga qabanqaabada doorashada.
Diiwaangalinta ayaa lagu wadaa in ay socto mudo saddex cisho ah, waxaana ay ku egtahay maalinta Axad ah todobaadka danbe oo la soo afjarayo is diiwaanglinta...


















