Wednesday, August 12, 2026
Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole oo hada ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u baahan tahay in mar kale la soo celiyo maqaamkeedii hore. Mar uu xalay khubad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo uu soo qabanqaabiyay...
Lacago ayaa la doonayaa in laga uruuriyo hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya si loogu saacido dadka abaaruhu saameeyeen. Qorshahaa ayaa loogaga hadlay shir xalay magaalada Muqdishu uu ku qabtay raisul wasaare ku-xigeenka 1aad ee dawlada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte. Shirkaa oo ahaa shir jaraaid ayaa uu uga warbixiyay go'aano arinkaa ku...
-Koox hubeysnayd ayaa xalay ku dhaawacday gudaha magaalada Boosaaso nabaddoon caan ah. Nabaddoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Xaaji Faarax. Nabaddoon Muuse ayaa aad looga yaqaan gobolka Bari. Waxaa uu ka mid yahay nabaddoonada aadka looga yaqaano gobolkaasi Bari waxaana lagu dhaawacay toogasho waqti uu ku sugnaa agagaarka masaajika Alrashiid. Waxaa durba...
Shir ku saabsan dhallinyarada Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa Itoobiya shalay galinkii dambe. Shirkaa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay dhallinyaro dalal badan oo qaarada Afrika kuyaala oo Soomaaliya ka mid tahay ka socday. Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Afrika. Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii dhallinyaradu...
Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shalay lagu dhawaaqay ayaa isla maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Gudiga ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha la qabanayo 8bisha Fabaarayo oo maalmo kooban uu ka harsan tahay. Gudiga ayaa maanta guddoomiye u doortay xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beylle. Akhriso...
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, wasiirka Ganacsiga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay taalooyinka laga qaadayo sicir bararka jira iyo amaawiir ay ka soo saareen shirkadaha waaweyn ee sarifka oo rusqadihii ay ku shaqaysan jireen lagala noqday. Sidoo kale, Taliyaha booliska C/laahi Fadal Iimaan...
Kulan ay maanta ku wada yeesheen madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, guddida doorashooyinka ayaa lagu heshiiyey in muddo toddoba bilood ah dib loo dhigo doorashadda, isla markaana loo mudeeyo in doorashadda madaxtooyaddu dhacdo  10/10/2017, halka doorashada Wakiiladda iyo deegaanka loo mudeeyey inay dhacdo 10/10/2018. Go’aankan madaxtooyadda si wada jir ah uga...
Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen  iyo xoghaye guud,  kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa loo doortay C/raxmaan Ducaale Beylle, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,  siddoo kale xog-hayaha gudiga ayaa noqoneysa xildhibaan Maryan Axmed...
Saraakiil ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii hoteelka Dayax, waxaana jira khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxyada saakay dhacay iyo weerarka kooxaha dableyda ah ay ku qaadeen hoteelka Dayax. Tirada dhimashada ayaa lagu waramyaa in ay ku dhawdahay 20 ruux, halka sidoo ay  jiraan...
-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah si dagdag ah loogu soo biiriyo xoogagga AMISOM. Ururka midowga Afrika ee AU ayaa sheegay in ilaa 4 kun oo askari oo dheeraad ah loo baahan yahay in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha...