Thursday, August 13, 2026
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan qaraaro uu ku jiro gurmadka abaaraha ka jira dalka. Sida ay xaqiijiyeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inta uu socdo kulanka waxaa aad loogu faaqi doonaa meelmarinta sharciyo dhowr ah waxaana ugu weyn gurmadka abaaraha. Abaaraha...
- Ciidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo xooggan ka sameeyey deegaano ka mid ah Gobolka Gedo, waxaana ay kusoo qab-qabteen dhalinyaro aad u farabadan oo ay ku eedeeyen in ay ka tirsanyihiin Xarakadda Al Shabaab. Col. Faarax Cabdi Casharo, ayaa wariyaasha deegaanka u sheegay in howlgalka badankiisa ay ka sameeyeen degmadda...
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo magacaabis, iyadoo xilka uu ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/salaam Salwe. Wareegto ka soo baxday ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiskiisa, waxaana xilkan...
Kadib rabshado ka dhashay khilaaf soo kala dhaxgalay ganacsatada waaweyn ee suuqa xaafadda Islii iyo ganacsatada yar yar ee loo yaqaan’’ Waratada’’ ayaa sababay in qeybo ka mid ah suuqa gaar ahaan ganacsiga Soomaalida albaabada leysugu dhufto. Guddiga ganacsatada xaafada Islii ayaa sheegay in uu xiran yahay suuqa inta laga...
Taliska ciidamada ammaanka ah ee maamulka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen gaari walxaha qarxa siday oo dhawaan lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo. Gaarigan siday walxaha qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida...
Ra’iisal wasaaraha dhawaan helay codka kalsoonida baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi siinayay laanta VOA ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka tartumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee soo socta sidoo kale...
Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan booliiska gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay magaalada Beledweyne. ‘’Ciidamada booliiska aniga ayaa taliye u ah, sidaa daraadeed ma jirin ciidamo ka diiwaangashay booliiska oo gadood ka sameeyay magaalada, ciidamadii...
Dad reer Somaliland ayaa shalay mudaharaad la hor tagay safaaradda Imaaraadka Carabta ku leedahay magaaladda London, waxaanay sheegay inay muujiyeen sida aanay ogolaan doonin saldhiga Militari ee magaaladda Berbera uu ka samaysanayo. Dadkii soo abaabulay mudaharaadkan ayaa boodhadhkooda ku muujiyey sida uga soo horjeedaan saldhiga Militari ee Berbera uu ka...
Alla ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu xanuun muddo hayey u geeriyooday. Marxuum Maxamed Faarax Xirsi wuxuu ahaa shakhsi dhinacyo badan ka buuxin jiray kaalinta fanka, waxaanu iskugu jiray Abwaan, Fanaan iyo Mulaxamiist, waxaana la...
Iyadoo marka la eego guud ahaanba dowladihii isaga danbeeyay dalka laga soo bilaabo bur burkii dowladii dhexe ee militariga ku caan baxeen khilaaf soo kala dhaxgala madaxweynaha talada haya iyo ra’iisal wasaarihiisa ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo in arintaa oo kale dhici doonin. Isaga oo khudbad ka hor...