Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaaada baarlamaanka loogu baahan yahay in ay joogteeyaan kulamada baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in xildhibaanada ay si iskood ah ay ugu maqnaadaan kulamada baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Qaranka loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan...
Inta la xaqiijinayo ilaa 10 ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay xarun tareen dhulka hoostiisa laga raaco oo ku taal magaalada St Peterburg ee dalka Ruushka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadan ay saameeyeen Tareenka iyo dadkii goobta ku sugnaa oo...
Ugu yaraan 10 ruux ayaa cudurka Shuban biyood-ka u geeryooday degmadda Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee Soomaaliya.
Dr Maxamuud Axmed, oo ka howlgalla Isbitaalka guud ee degmadda Buuhoodle, ayaa sheegay in 35 ay hadda la jiifaan cudurka.
Saraakiisha xaruumaha caafimaadka ee degmadda, ayaa dhanka kale sheegay in cudurka Todobaadkii hore uu...
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kullan waxaa ay ku leeyihiin xarunta Golaha Shacabka ee Magaalladda Muqdisho.
Kullanka xildhibaanadda ayaa waxaa lagu wadaa in loogu qeybiyo Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2017.
Baarlamaankii 9aad, ayaa miisaaniyadda ku celiyay wasiirkii hore ee maaliyada Mudane Fargeeti, kadib markii la sheegay in meelaha qaar aysan cadeeyn.
Miisaaniyada maanta loo...
Muuqaal laga soo duubay askari kenyaan ah oo gacanta ugu jira Al Shabaab, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in lagu caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.
Filimka ay sii daayeen Al Shabaab ayaa waxaa uu soconayaa todobo daqiiqo.
Askariga la yiraahdo David Ngugi Wataari, ayaa waxaa uu ka tirsanaa. Ciidanka KFD-ta...
Burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in ay qafaasheen Markab kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka India, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan afduubka Markabka.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka India afduubka Markabka ayaa yimid xili uu marayay gacanka cadmeed, isaga oo ka...
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa iney kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka xildhibaanada ay yeelanaya ayaa waxaa loogu qeybin doonaa miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2017.
Miisaaniyada loo qeybinayo xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa la doonayo in dowladda ay ku shaqeyso sanadkan 2017 isla markaana lagu fuliyo...
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Camaay ayaa sheegay in dowladda dhexe si aan wanaagsaneyn u maamushay sida uu hadalka u dhigay dhaqaallaha la siinayo dowlad gobolleedyada ee loogu talagalay wax ka qabashada abaarta.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay $ 150 ku oo doolar aysan ku filneyn Puntland, oo...
R/wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Vaysi Kaynak, ayaa deeq raashin ah ku wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha.
Deeqda ayaa waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo 12-kun oo qoys.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa u mahadceliyay Turkiga, waxa uuna sheegay in dowladda Turkiga,...
Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhig ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin Deeganka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale duqeynta kadib, waxaa la maqlay rasaas xoogan oo loo maleynayo in ay aheyd dagaal toos ah.
“Waxaan maqalnay qaraxyo xoogan kadibna, rasaas socotay daqiiqado”,...


















