Dabley ayaa ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku weerartay degmada Wardhiigley gaar ahaan xafadda Xamar Bille shaqaale ka tirsanaa wasaarrada maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaa oo waqtigaa ku sii jeeday goobtooda shaqo.
Kooxda dableyda ah ayaa la sheegay in ay rasaas culus ku fureen gaariga ay la socdeen shaqaalaha wasaarada,...
Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Veysi Kaynak.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Booqashada ra’iisul wasaare...
Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Somalia Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa shalay xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hay’adaha kala...
Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa sheegay in la baaro Muuqaal Video ah oo laga duubay fal ay Boliska dharka cad ee loo yaqaano Flying Squad-ka, ku dileen laba wiil oo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi.
“Waxaa waajib...
Waxaa xalay alle ha u naxariisteen magaalada Muqdisho ku geeeriyooday Nuur Faarax Xirsi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore ee Cumar C/rashiid.
Wasiirka ayaa maalmahan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo lagu daweynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer, kaddib markii maskaxda dhiig kaga furmay.
Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan dagalaamayasha Al-shabaab la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay deegaanka, taasoo u sahashay in daalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galaan marka kale Goofgaduud 30km u jirtay magaalada Beydhabo.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta...
Tiro ka badan 200 oo ruux aaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dalka Colombia daadad xoogan oo soo rogmaday sidaa waxaa warbaahinta u sheegay madaxweyne Juan Manuel Santos.
Daadadka xooggan oo watay dabeylo ayaa inta badan burburiyay Magaalooyinka ku yaalla Waqooyiga dalka Colombia , waxaana saraakiisha Caafimaadka ay sheegayaan...
Deegaanka Raage ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u daran.
Jirgaan ama labaatanlaha biyaha, waxaa qiima ahaan uu ka joogaa deegaanka 30-kun oo shilling Somali ah.
“Deegaanka waxaa ku yaallay laba ceel biyood, mid ka mid ah qarax ayaa lagu bur-buriyay, mid kalana biyihiisa lama...
Illaa Afar qof ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka magaaladda Buuhoodle, illaa labaatan qof waxay u jiifaan cudurkaasi oo ka dilaacay magaaladda.
Sida wararka aanu ka helayno magaaladda Buuhoodle waxa la sheegayaa in shalay ilaa maanta dad badan uu soo ritay cudurkan Shuban biyoodka,isla markaana illaa hadda la hubo in...
Wariye Hanad Cali Guuleed, oo ka tirsan Idaacadda Goob-joog Fm ee magaaladda Muqdishu, ayaa maanta laga afduubtay duleedka-galbeed ee magaaladda Muqdishu.
Waxaa la sheegay in wariyaha ay afduubteen koox hubeysan, oo ku sugayay banaanka hore ee gurigiisa, waxaana xiligii la afduubanayay uu usoo socday goobtiisa shaqada.
Wariye ka tirsan Goobjoog, ayaa...


















