Friday, August 14, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda. Sheekh...
Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, oo hadda ku sugan magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan wax muuqata oo shaqa ah ka qaban deegaannada Puntland tan iyo markii Turkiga ay yimaadeen Soomaaliya. Mudane Gaas ayaa sheegay in Mashaariicda ay haboon tahay in la gaarsiiyo Soomaaliya...
Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa qarax miino lagula eegtay duleedka degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose. Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay, in qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso. Lama oga khasaaraha gaaray ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Dhinaca kale Xarakadda...
Sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda toogasho ku dileen Labo burcad badeed ah halka mid kalana ay dhaawaceen Sabtidii shalay. Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka burcad badeeda ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka...
Kolonyo ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa qarax lagula eegtay meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalladda Muqdisho. Kolonyada ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen labo gaari oo nooca raaxada. Guddoomiye ku-xigeenka Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cali Xasan Cali, ayaa sheegay in aanu jirin...
War kasoo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayey ku beeniyeen hadal ay Al shabaab ku sheegeen inay 5 Askar oo Ugandans ah ku dileen qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose. Al Shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay in Shan askari oo Ugandans ah ay ku dileen qarax miino oo ka dhacay...
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale. Munaasabad lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, mudanayaal ka kala socday Baarlamaanka, Aqalka sare iyo Golaha Wasiiradda. Guddoomiyihii hore ee Gobolka...
Inkabadan 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida, sidaasi waxaa yiri saraakiil diiday in magacooda la sheego. Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde...
Waxaa maanta magaalladda Muqdishu la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo shirka u socda madaxda dowladda Fedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad-Goballeedyada hoosyimaada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Shirka ayaa shalay waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Furitaanka kullankii shalay waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali...
Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanta kusoo dhigay koox hubeysan oo xalay fiidkii nin ku dilay Buundada Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab ee magaalladda Muqdishu. Kooxdii hubeysneed, ayaa watay Bastoolado iyo gaari nooca raaxada ah, sida dadka deegaanka ay u sheegeen WARSOM. Dhinaca kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka la...