Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo sida uu hadalka u dhigay ilaa iyo hada aan soo gaarsiin kaalmadii loogu talagalay dadka abaarta saameysay ee ku dhaqan gobolka.
‘’Annaga gudigaas uma aragno gudi mushtamaca Soomaaliyeed u adeegaya, warbaahinta ayaan...
Wasiirka wasaarada dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadatashiyo sida uu hadalka u dhigay la xiriira dib u eegis lagu sameynayo dastuurka.
Waxaa uu sheegay wadatashiyada ay ka qeybqaadan doonaan dhamaanba maamul gobolleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
‘’Qorshaha hadda aan dajinay waa...
Maamulka Hirshabeelle ayaa amar ku bixiyay in albaabada loo laabo isbitaal gobollleedkii magaalada Jowhar, waxaana dhinaca kale xabsiga la dhigay madaxii isbitaalka Xassan Mahad Cabdi.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysan amarka maamulka Hirshabeelle uu ku xiray isbitaalka oo ay gacanta ku heysay hay’adda Intersos...
Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday duleedka degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Buulo-Fooliyo ee duleedka Afgooye, waxaana uu ku biloowday madaafiic lagu garaacay Xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Maxamed Amiin, ayaa...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka, kuwaas oo dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.
Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa VOA u sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen...
Koox hubeysan ayaa caawa magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ku dilay mid ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan magaalladda.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisoow, waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalladda Beledweyne.
Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska ee Magaalladda Baladweyne, Nuur Xasan Bidaar, ayaa...
Ra'iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun.
Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegtay in Britain ay u baahantahay hubanti, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintaas oo dabo socota aftidii ay Britain ku go'aansatay in ay kaga baxdo Midawga...
Dowladdaha Midowga Yurub, Shiinaha, Korea Koonfureed, Chile, Imaaraadka iyo wadamo kale ayaa ku dhawaaqay in ay iska joojiyeen Hilibka Digaaga ee laga keeno suuqyada dalka Barazil, kadib markii ay soo bexeen fadeexado ku aadan tayada iyo faydhoorka caafimaadka Hilibka Digaaga ee laga keeno dalkaasi.
Booliiska Federaalka ayaa ku eedeeyay 21...
Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in bishan April 29 ay labadda gobol ee Saaxil iyo Awdal ka bilaabi doonaan qaybinta Kaadhadhka diiwaangelinta ee hore loo gallay.
Guddida doorashooyinka ayaa xisbiyadda ugu baaqay in wakhtiga la bilaabayo qaybinta kaadhka ee booqanayaan goobaha lagu bixinayo aan laga dhigin qaab olole ama gobolaysi...
Bayaan ay wada jir u soo saareen dowladaha dowladaha iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, ,AU, ,IGAD ,EU, Talyaniga Ethiopia, Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan, ayaa lagu taageeray go’aanka madaxda dowladda Soomaaliya ee dhismaha gudiga amniga Qaranka.
Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee QM Micheal...


















