Friday, August 14, 2026
Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa xariga ka jaray garoonka kubadda cagta magaalada Kismaayo oo ay soo idlaadeen howlo dib u dayactir ah oo lagu sameeynayay mudooyinkii u danbeeyay. Garoonka ayaa la dhigay cawska macmalka ah ee la dhigo garoomada, ayadoo sidoo kale dayactir lagu sameeyo qeybo...
Taliska ciidamada booliiska maamulka K/galbeed ayaa markii ugu horeysay ugu baaqay xasaaska saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab in ay isa soo diiwaan-galiyaan. Taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay xasaaska Al-shabaab in ay is diiwaangaliyaan arintaa oo sida uu...
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay dekadda Berbera ee ku talla Gobolka Saaxil oo hoostaga maamulka Somaliland. Markabka ayaa waxaa saaran gar-gaar qiimihiisa lagu sheegay Dh10.3 million oo isugu jira 3,819 tan oo cunta ah, 356 tan oo biya ah, 23 tan oo...
Dowladda Chine ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP. Lacagtan ayaa sheegtay dowladda Chine in lagu iibin doono cunto iyo sidoo kale dawooyin ay u baahan yihiin dadka abaarta...
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuu sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka. Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanada xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo...
Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka dhacay deegaanka Burdaar oo dhaca duleedka magaalladda Baledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Dagaalka ayaa bilowday kadib, markii dagaalyahanada Al Shabaab weerar gaadma ah ay ku qaadeen kolonyo ay...
Guddiga doorashada maamul-gobolleedka Galmudug ayaa uga yeeray degmadda Cadaado iney ku yimaadaan 24 saac dhammaan musharraxiintii iska diiwaangelisay xilka madaxweyne ee Galmudug. Musharraxiinta loo yeeray ayaa lagu wadaa in la siiyo shahaadooyinkooda si howllaha doorashada loo sii waddo, sida uu sheegay Mahad Sheekh Cali Cibaar oo ka tirsan Guddiga doorashada. Guddiga...
Ilaa 500 oo qof ayaa u dhintay cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Tan iyo markii uu cudurka daacuunka uu ka dilaacay dalka Soomaaliya, waxaa uu kusii fidayay dhamaan Gobollada dalka Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullaahi Xaashi. Inkabada 40...
Taliyaha ciidamada madaxtooyada maamulka Puntland C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ee magaalladda Boosaaso ay gacanta ku dhigeen Walxaha Qarxa. Mudane C/rashiid C/raxmaan, ayaa intaasi hadalkiisa kusii daray in ciidamada ay gacanta ku dhigeen shan nin oo la sheegay in Qaraxyadaasi ay wadeen. Ciidamada ammaanka Puntland ee magaalladda...
Madaxweynaha dowaladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan labad golle ee dowladda, waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda...