Friday, August 14, 2026
Maxkamad ku taalla dalka Ethiopia ayaa xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay in ay damacsanaayen in ay sameeyaan koox xiriir la leh Al shabaab. 23-ka qof ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah, sida Maxkamadda ay sheegtay. Maxkamadda Sare ee Federaalka dalka Itoobiya ayaa ku eedeysay 23-ka qof in...
Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada ka soo saaray awaamiir la xiriirta amniga iyo isticmaalka hubka sharci darrada ah. Madaxa amniga magaalada Beledweyne Carab Nuur Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax Qori ku dhex qaadan kara Magaalada, marka...
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku guuleysteen in ay qadaaan Isbaarooyin yaallay degaanno ka tirsan gobolkaasi. Maamulka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay in ay qadeen ku dhowaad 26 Isbaaro, oo lacago sharci darra ah looga qaadi jiray gawaarida dad weynaha ee isticmaalaha...
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha wakiilada ee Minnesota ayaa shalay galab  ku qabatay xarunta Brian Coyle Center ee xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Cedar Riverside,  Kulan looga hadlaayay tirada dadka Jadeecada ku dhacayso oo sii kordhaysa MN iyo sidii loo xakamayn lahaa,waxaa ka soo qeyb...
Munaasabado uu Xisbiga Daljir ku weyneynayay Maalinta dhallinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayna kasoo qayb-galeen mas'uuuliyiin ka tirsan labada Aqal ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo xalay waxay ka dhaceen Xarunta Dhexe ee Xisbiga iyo Hotel Makka Al-Mukaramah ee Muqdisho. Munaasabaddii gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee...
Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasibad lagu xusayay maalintii la aasaasay ururkii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL. Xafladda oo lagu qabtay Hotel Agan ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ka qeybgalay ururrada dhalinyarada Jubaland, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo. Xafladda ayaa...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay 10 oday dhaqameed oo ku eedeysan in ay ka qeyb-galleen caleemo saarka shaqsi ka tirsan Al-shabaab. Faarax Cali Gaafoow oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in odayaashan la xir xiray...
Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen...
 Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017. Dowladda ayaa sheegtay in imtixaanka midaysan ee sanadkan ay fariisan doonaan 23, 000 oo arday oo ka kala imaanaya goboladda. Ardayda u fariisaneysa imtixaanaadka ayaa ku jira diyargarowgii ugu ballaarnaa, waxaana dhinaca kale ay isku diyaarinayaa...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 15-ka May oo ku beegan aas-aaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Xafladdii xalay waxaa ka qeyb-galay golayaasha dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyaro, waxaana xafladda ay ka dhacday xarunta Aqalka Hoose...