Ugu Yaraan Afar Qof oo ku Dhintey Qarax ka dhacey Dalka Kenya.

0
427

Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gaari ay saarnaayeen dad rayid ah Miino kula qaraxday deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, kaa oo u dhaxeeya Ceel -waaq iyo Mandera.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu ka tagay magaalada Ceel-Waaq isaga oo ku sii jeeday Mandera markii ay Miinada la qaraxday.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la soo gaarsiiyey Isbitaalka deegaanka Lafey, waxaana dadka dhaawacmay ka tirsanaa mas’uul ka tirsan deegaanka gobolka Waqooyi Bari.

Mas’uuliyiintu waxay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin Afar ruux , kuwaasi oo saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxa uu ka dhacay, halka kan kalana uu ku dhintay Isbitaalka.

Al-Shabaab ayaaa inta badan qaadatay mas’uuliyada weerarada iyo qaraxyada ka dhacay deegaannada gobolka Waqooyi Bari Kenya.

warsom2011@gmail.com