Saturday, August 15, 2026
Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ciidamo dheeraad ah geysay xarumaha isgaarsiinta ee ku yaalla gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya, kaddib markii dhowr jeer oo hore xarumahaasi lagu bur buriyay weeraro ay soo qaadeen Al-shabaab. Ciidamadan Kenya ay geysay xarumaha isgaarsiinta ayaa loogu talagalay in ay ilaaliyaan Anteenooyinka...
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubadda Hoose. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar bilaawday shalay gelinkii dambe, gaar ahaan xilligii afurka oo ay soo qaadeen Al-shabaab. Dagaal bilowday abaarihii xilliga Afurka ee shalay ayaa la sheegay...
Ururka Al-Shabab ayaa la sheegay in uu xilligan kaga horreeyo ururrada Boko Haram iyo Daacish marka ay noqoto dadka ku dhinta gacan ka hadalka iyo dagaallada ay ka waddaan wadamada gobolka. Warbxiintan uu qoray wargayska Newsweek ayaa lagu sheegay in sanadkii hore gacanta Al-Shabab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta...
Ciidamada xasilinta caasimada Muqdisho ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir howlgal ay ka sameeyeen, waxaaa ay ku qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab. Howlgalkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayeey ciidamada guryaha qaar ku baarayeen, waxaana u suuragalay inay qabtaan sarkaal aan magaciisa la sheegin oo ka tirsanaa...
Dabley ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug toogasho ku dishay nabadoon siweyn loo garanayay magaalada. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xaaji Careys, rasaas ku haleeshay qeybaha sare ee jirka. Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa la sheegay...
Khatkii Internetka ee Itoobiya oo dhan ayaa la jaray si looga hor tago in Online -ka lagu faafiyo imtixaanka heer qaran, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda. Maxamed Siciid oo ka tirsan xafiiska xiriirka dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay "In jaritaanka internetka loga golleeyahay in aysan...
Wasaarrada dekeddaha iyo gadiidka Badda ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xiligii bad xirinka, iyadoo dhinaca kalana u digtay ganasatada iyo Maraakiibta isticmaasha dekedda. Ganacsatada Soomaaliyeed ayeey uga digtay wasaarrada in ay isticmaalaan Maraakiibta iyo Doonyaha yar yar, si aysan nafsadooda iyo hantidoodaba halis u gelin. Maxamed Cismaan Cali...
Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka. Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxuu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii. Wuxuu sheegay in uu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya...
Gaari ah kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw oo maanta waxaa uu dab ku qabsaday Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo G/sare Maxmed Daahir Cabdulle ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaariga...
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka. Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, C/llaahi Sanbaloolshe oo ka...