Saturday, August 15, 2026
  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socota ay mudnaanta siin doonaan sidii ay bulshadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Cadaallad ay kuwada Qanacsan yihiin. Mudane Farmaajo, ayaa hadalkaasi ka sheegay munaasabad lagu taageerayay 100-ka maalmood ee dowladda oo shalay lagu qabtay...
Qaraxan oo la aaminsanyahay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa goor dhow ka dhacay Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo. Qaraxa ayaa la rumeeysanyahay in uu ahaa Miino lagu aasay goob ay tababar ku qaadanayeen kooxda Baambeeyda oo ka tirsan Booliska. Waxaa jira qasaarooyin isugu jira dhaawacyo iyo dhimasho...
 Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka. Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar...
Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay garoonka Banaadir Stadium, halkaa oo ay maanta isugu soo baxeen Kumannaan shacabka reer Muqdisho ah. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku guuleystay fulinta balan-qaadyadii uu qaaday, isla markaana uu ka dhabeeyay sida uu yiri. Khudbada Madaxweynaha ayuu kaga hadlay...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad aan la garanayn cidda iska leh ay waraaqo ku dul daadisay magaalada Jilib ee uu ka taliyo ururka Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe. Wararkan oo aan ka helnay dadka degaanka...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa gaaray magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka jireen xiisado colaadeed. Madaxweynaha oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada oo dhacda Waqooyiga gobolka. Odayaasha iyo waxgaradka degmada Caabud-waaq ayaa lagu wadaa in madaxweynaha...
Booliska Britain ayaa sheegay in Lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib laba weerar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London. Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha...
Akhristow cinwaanka qoraalkeygu ”Nin sigtay ma noola” nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay sida ay dawladda Kenya qarka ugu saarneyd iney ku guuleysato diidmadeeda ah in maxakamaddu aysan xaq u lahayn qaadidda dacwadaan maadaama heshiiska is-af-garadka ah (MoU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu yahay hab ka mid ah hababka lagu xalliyo...
Howlgal ballaaran oo lagu sugayo guud ahaanba amniga caasimada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab ay labo jibaaraan weerarada. Ciidamada gaar ah ee fulinta qorshaha xasilinta caasimada ayaa howlgal ay xalay ka sameeyen...
Qarax miino ayaa saakay lagu aasay xaafadda 21-ka October ee degmada Waabari ee magaalada Muqdisho,waxaana qaraxaasi ciidamada amniga ku wargeliyay dadka xaafadda oo ciidamada xiriir la sameeyay. Ciidamada amniga ayaa goobtii qaraxa lagu aasay xiray,waxaana ay ka saareen dadkii u dhawaa si aysan wax yeello uga soo gaarin, sidda ay...