Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray magaalladda Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada Hoose.
Ammaanka magaalladda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaar lagu xardhay sawirada Madaxweynaha.
Mudane Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha maamulka Jubaland, siyaasiyiinta degaanka iyo ururadda...
Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways tan iyo markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.
“Diyaaraddaha Qadar Airways, ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin...
Waxaa muuqata in markan uu cirka isku shareeray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Khaliijka, kaddib markii wadamo dhowr ah ay shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay gacan taageero siiso sida ay hadalka u dhigeen argagixisada.
Dawladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in...
Dalka Australia oo fal afduub Nin geystey Boolisku Toogteen Daacishna Sheegatey in ay ka danbeeyeen.
Booliska dalka Australia ayaa dilay nin Soomaali ah oo hubeysan oo afduub iyo dil ka geystay magaalladda Melbrourne, sida warbaahinta dalka Ausralia ay sheegeen.
Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso. Weerarka ayaa waxaa fuliyay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Yacquub Kheyre, waxaana uu...
Isbitaalka Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in uu sameeyo qaliin ka mid ah kuwii markii hore dibada loo aadi jiray, kaddib markii kiiskii ugu adkaa ee qaliin xagga maskaxda ah ay ka fuliyeen magaaladda Hargeysa.
Cisbitaalka Hargeysa waxaa la soo dhigay wiil ay xabaddi kaga dhacday madaxa oo...
Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa saddex qarax lagula eegtay degaanka Taraako oo qiyaastii 50km u jira magaalladda Bardheere ee Gobolka Gedo, sida dadka degaanka ay sheegeen.
Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in ay biyo ka dhaansanayeen War-biyood ku taalla degaanka.
Sidoo kale ilo wareedyadda ayaa ku waramaya...
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan xasaasi ah la qaatay madaxda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista ee ICAO.
Kulankaas oo ka dhacay xaruunta hay'adda ICAO ee Montreal ayeey madaxa hay'adda ku soo bandhigeen qorshooyin ay hay'addu ugu tala gashay soo wareejinta hawada...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay dhegeysiga dacwada loo heysto laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen dilka wasiirkii howlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabas Sheekh.
Labada nin ee dacwadooda la dhegeysanayo ayaa ahaa ilaaladii Hanti Dhawrahii Qaranka Dr. Nuur Faarax...
Dowladda Indonesia ayaa gargaarkii ugu horeeyay oo lagu caawinyo dadka ay abaaruhu saameyeen ku wareejisay dowladda Soomaaliya.
Wasaarada gargaarka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeqdaan ka timid dalka Indonesia, waxaana madaxda wasaarada ay sheegeen in la gaarsiin doono shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaarada gargaarka Maryan Qaasim, ayaa sheegtay inay uga mahadcelineyso dowladda Indonesia...
Saraakiisha ciidanka difaaca dalka Kenya, ayaa sheegay in ay dileen 14 kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab, kadib duqeyn ka dhacday koonfurta dalka Soomaaliya.
Warbaahinta K24 TV, ayaa sheegtay in 14-ka dagaalyahanno ee la dilay ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Al Shabaab.
Weerarka waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana...


















