Saraakiil ka tirsan maamulka degmadda Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay Qarxiyaan Miino lagu aasay xaafad kamid ah degmadda.
Ma jirto wax khasaara ah oo ka dhashay Qaraxa, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha amniga ee maamulka degmadda.
“Qaraxa ayaa waxaa la dhigay xaafad u dhow Iskuulka...
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamid yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan...
Wasiirka arimaha dibadda dalka Qadar ayaa sheegay in aysan weligood ka arag cadaawad lamid ah tan ay dalalka carbeed ku sameeyeen xitaa dal ay cadaw yihiin.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Qadar aysan isu dhiibi doonin cadaadiska ay saareen dalalka carbeed ee ay deriska yihiin, islamarkaana aysan badali doonin siysaasaddeeda...
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa beeniyay in weerarkii Al-shabaab ee Degaanka Af-urur looga dilay ciidamo tiro badan, islamarkaana laga qabsaday saldhigii ciidamadda ee Af-urur.
Wasiirku, wuxuu sheegay in ururka Al-shabaab ay dad rayid ah oo isugu jira odoyaal iyo haween ay...
Dabley hubeysan ayaa maan gelinkii dambe waxa ay Magaalada Muqdisho ku Dileen mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.
Axmadeey Barre oo ah Marxuumka magaciisa ayaa Dilkiisa waxuu ka dhacay nawaaxiga hoteelka Gurguurte ee Degmada Yaaqshiid, sida Taliyaha Degmada Yaaqshiid, Korneel Maxamuud Shire...
Dagaalka ayey la beegsadeen guuto ciidanka Puntland ka tirsan oo uu taliye u yahay Col. Cabdullaahi Cumar Canshuur oo ku sugneyd tuulada Af-urur oo kamid ah waddooyinka laga galo buuraha sil-siladda Golis, waxaana ay qiyaastii 80km dhanka Koonfur uga beegan tahay magaalada Boosaaso.
Dagaalka ayaa ah mid aad u kulul,...
Ilaa saddex askari ayaa ku geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino kuwa dhulka lagu aaso ah ay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca ay Soomaalidu Cabdi Bilaha u taqaano ah kula qaraxday meel aan ka fogeyn garoonka diyuuradaha magaalada Jowhar oo ku yaalla deegaanka macaashka...
Al-shabaab ayaa xili hore oo saaka weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishtu Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-urur oo ee gobolka bari ee Puntland
Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka sanaag ayaa VOA u Xaqiijiyay in weerarka ay saldhiga ku soo qaadeen ururka alshabaab, uuna socda muddo...
Police-ka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya, ayaa gacanta ku dhigay shan ruux oo dhallinyara ah oo lagu eedeeyay in ay u socdaalayeen dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan xarakadda Al Shabaab.
Dhallinyarada la tuhunsanyahay ayaa waxaa da’dooda ay u dhexeysaa 20-jir, waxaana ay ka wada tageen degaannada Tulloroba iyo Chechelesi.
Guddoomiyaha...


















