Tuesday, May 26, 2026
Golaha wasiiradda Puntland ayaa meel mariyay in 37 degmo oo qeyb ka ah degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaaamka xisbiyada badan. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo dhawaan lasoo magacaabay, ayaa qorshahaan hordhigay shirka golaha wasiirrada ee uu madaxweyne Deni shir guddoominayay. Doorashooyinkan ayaa noqonaya...
Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay, kadib markii weerar bambo gacmeed loo adeegsaday lala eegtay askar ka tirsan ciidamada Somaliland ee Laascaanood ku sugan. Askariga dhintay oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Jaamac, ayaa u geeriyooday dhaawac isaga iyo ugu yaraan 3 askari oo kale ...
La taliyaha amniga qaranka ee raysal wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Daahir Xasan Guutaale, ayaa sheegay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab inuusan wali gaarin heerkii ugu sareeyay. Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo la hadlay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA, ayuu sheegay in uu filayo in beello badan oo ka kala...
Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka looga yeeray hoggaanada NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan oo uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku eedeeyay iney ka gaabiyeen howlahii looga baahna ee dhanka amaanka, kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan Oktoobar. U yeerista masuuliyiintaan looga yeeray Muqdisho ayaa imaaneysa kadib markii guddoomiyaha...
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhoweeyay howlgallada dadka Soomaaliyeed deegaanadooda uga xoraynayaan Alshabaab, isagoo ku baaqay in lasii xoojiyo. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed isku duubni iyo midnimo ay uga gudbi karaan caqabadaha amni iyo xaaladaha dalku haatan ku sugan tahay. Deni wuxuu sidoo kale...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weeraradii qaraxyada Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee sababay khasaaraha kala duwana ee dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyadeed geystay oo ay masuuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab. Weeraradaasi oo ahaa sadax qarax oo Ismiidaamin wada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday ku...
Dad ayaa u dhintay qaar kalena isbitaalada ayaa loo dhigay kadib markii ay xumada dengue fever, oo ay kaneecadu faafisaa, ka dilaacday deegaanada Somaliland. Yaasiin Maxamed Cabdillaahi Wacays, oo xumada u jiifa Isbitaalka Adna Aadan, ayaa VOA u sheegay in xumadu ay dhiig la'aan sababayso, isla markaana markasta oo la...
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa wiilkiisa ka ceyriyay taliyaha ciidamada lugta ee dalkaas, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hanjabaad uu ku sheegay inuu ku qabsanayo caasimadda dalka  Kenya, taasoo walaac ballaaran ku beertay bariga Afrika. Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa bilihii la soo dhaafay caro ka dhex...
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dawlado, shirkado shidaal oo heer qaran iyo heer caalami ah, sahmiyayaal madax-banaan, maalgashadayaal,...
Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka ah ee dalka Turkiga. Cabdiwahaab Qaasim Axmed oo ku tartamay soddonka jis ayaa galay kaalinta labaad. Soomaalida ayaa safka hore kaga jirta dadka kaalmaha sare sannadkasta ka gala tartamada Qur'aanka, taasi oo muujinaysa sida ay ugu wanaagsan yihiin...