Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ayaa faray ilaalinta waqtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha.
Wuxuu sidoo kale faray agaasime walba in laga rabo kormeer joogta ah inuu ku sameeyo howlwadeenada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamaraakana uu soo gudbiyo cidii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.
Raysal wasaaraha Xamse oo sidoo kale ka hadlay ahmiyadda Agaasimayaasha guud u leeyihiin howlaha fulinta shaqada dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeeyay Agaasimayaasha in shaqada la soo galo xili hore, si bulshada Soomaaliyeed loogu adeego xiliga ugu haboon.
Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay Agaasimeyaasha guud iney si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeenada ay madaxda u yihiin, islamar ahaantaana ay kasoo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.
Amarkaan kasoo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo uu dhawaan uu shaaciyay in Xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto ciribtirka Musuqmaasuqa xili uu ka hadlaayay munaaaabad lagu xusaayay maalinta Musuqmaasuqa.












