Dawladda Ethiopia oo TPLF Ku Eedaysay in ay Adeegsato Gaadiidka Hay’adda Cuntada Adduunka WFP.

0
445

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay adeegsanayso gawaarida hay’adaha gargaarka, iyagoo u isticmaala howlgallada dagaalka waa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Itoobiya.

War saxaafadeedkan ayaa sidoo kale digniin loogu diray hay’adaha gargaarka inay isaga fogaadaan goobaha iyo meelaha uu ka socdo dagaalku, si ay uga badbaadaan in la bar tilmaameedsado.

TPLF ayaa maalintii shalay waxay sheegtay in Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Itoobiya ay duqeeyeen gawaari xamuul ahaa oo ay lahayd WFP, kuwaas oo raashin u waday gobolka Tigray.

War saxaafadeedkan kasoo baxay dhinaca dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid jawaab u ah eedeyntaas, iyadoo dowladdu ay sheegtay in TPLF ay adeegsato gawaarida hay’adaha gargaarka.