Sida ay sheegayaan dadka degmada hobyo ee gobolka mudug dagaalka dhexmaray kooxaha burcad badeeda in ay ka dhasheen Dhimasho iyo Dhaawac sidoo kale Mid kamid ah dadka degmada Hobyo ayaa warbaahinta usheegay in Iskahor imaadka kooxaha Burcad badeeda dhexmaray uu degmada qal qal wayn uu ku abuuray.
Wararka Degmada Hobyo laga helayo ayaa sheegaya in Iskahor imaadkooda uu sababay Dhimashada Hal qof oo shacab ah iyo labo kale oo dhaawac uu kasoo gaaray.
Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo kala gaaray kooxahii burcad badeeda ee iska hor imaadka uu dhexmaray. Qof kamid ah Shacabka degmada Hobyo oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba kala socon waxa uu ka dhashay dagaalkooda lakiin waxuu yiri mar walbo ayay sidaan oo kale ugu dagaalaan degmada shacabka ayayna qasaaraha kasoo gaartaa.
dagaalkani dhexmaray kooxahani ka wada tirsan burcad badeeda soomaalida ayaa ku soo aadaya xili ay midowga reer yurub ee ay maraakiibta dagaal ka joogan biyaha geeska africa ay sheegen in dagaal toos ah ay la galidoonan burcad badeeda soomalida sidaasi si la mid ahna ay dowlada mareekanka ay ugu dhawaajisay in ay la dagaalamidoonto burcad badeda soomaalida.
Muqdisho,somaliya.





