Cusmaan Salaad Gabeyre Oo Umahad Celiyay Madaxweyne Shariif

0
1180


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Qoyska sareeye guute salad gaweyre kediye oo sidiiran uga mahad celiyay madaxweynaha dowlada KMG soomaaliya oo dhawaan amar ku bixiyay in dib loogu celiyo hantida maguuranka ah ee marxuumiintii ay toogatay dowladii dhexe ee mileteriga soomaaliya oo uu ka mid yahay marxuum salad gabeyre kediye.

Cusman salad gabeyre oo a willka uu dhalay marxuum salad gabeyre oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu kaga mahad celinayo madaxweynaha dowlada KMG soomaaliya sheikh shariif sheikh axmed talaabadii uu amarka ugu bixiyay in dib gacantoda loogu soo celiyo hantidii uu lahaa aabahood salad gabeyre.

Cusman oo wax laga weydiyay in uu kala garanayo hantida uu aabahii leeyahay ayaa waxa uu sheegay in xiliga la tooganayay aabihii salad uu ahaa 5shan sanno jir isla markaana uusan waxba ka garaneyn sida uu xaalka uu ahaa.

Sidoo kale willka uu dhalay marxuum salad ayaa waxa uu sheegay in dalka uu dib ugu soo laaban doono goor aan sidaasi usii fogeen waxana uu intaa raaciyay in hooyadii ay dalka dib ugu soo laaban doonto goor dhow.
Dowladii dhexe ee soomaaliya ayaa waxa ay la waregtay hantida muwaadiniin soomaalyeed oo ad ufara badan islamarkaasina ay toogasho ku dishay sababo kala duwan.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.