Hogaamiyaha Xarakada Alshabaab Oo KA Hadlay xaaladahii ugu danbeyay ee xarakada.

0
722


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Sheikh abu zubeyr oo ah hogaamiyaa xarakada alshabaab oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii ugu danbeyay ee xarakada ay la gashay dowlada soomaaliya iyo taagerayaasheda.

Muqtaar cabdi raxmaan abuu subeyr ayaa waxa uu sheegay in maamulada xarakada alshabaab ay dagaal kula jirto waxa uu ugu yeeray cadowga allah isla markaana ay udhabar adeegayaan la dagaalanka kuwa xaqadiidan sida uu hadalka udhigay.

Hogaamiyaha xarakada alshabaab sheikh muqtaar cabdi raxmaan abu zubeyr ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo beegmaya xili dhawaanahani xarakada alshabaab lagala wareegayay gacan ku eynta deegaano dhowr ah waloo iyagana ay la wareegayeen deegaano saddex billod ka hor laga qabsaday oo ubadan bartamaha soomaaliya.

Abu zubeyr ayaa fariin udiray qeybaha kala duwan ee maamulada xarakada alshabaab oo uu kula dardaarmay in ay usii dhabar adeegan xaaladaha dagaal ee ay kula jiraan ciidanka isbiirsanaya ee ay ka midka yihiin AMISOM,Ethiopia, Kenya, raaskambooni, iyo kuwa dowlada KMG soomaaliya
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.