WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegtay in marnaba u dulqaadan doonin daan daansiga ay Somaliland ku hayso qaar kamid ah gobolada.
Wasiir kuxigeenka Amniga C/Jamaal Cismaan Maxamed oo Saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Puntland markasta ay difaacanayso dhulkeeda iyo dadkeeda oo aysan ogolaan doonin faragelinta qaawan kusoo sameynayso Somaliland.
Wuxuu ku eedeeyay Somaliland in ay dhibaato ku hayso dadka ku nool gobolka Sanaag oo ay u dambeysay dhacdadii labo maalin kahor ka dhacay Xeebta Laasqoray markii Ciidanka Badda Somaliland isku dayeen in ay ka hortagaan Maraakiib qalab u waday Laasqoray.
Mr.Cabdi Jamaal ayaa tibaaxay in Puntland markasta tixgelinayso deris wanaaga iyo Walaaltinimada iyadoo ugu baaqay Somaliland in sidoo kale ixtiraamto.
Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in arrintaan soo cusboonaaday ilgaar ah ku hayaan.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa in mudo ah ku muransanaa gobolada la isku yiraahdo Sool,Sanaag iyo Ceyn.
Xafiiska Warqabadka warsom.com





