Ciidamada Dalka Kenya oo ku Biiray Ururka Midowga Africa.

0
719


WAKAALADDA wARARKA WARSOM.COM

Ciidamada Dalka Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa Waxa ay Xubin Ka Noqdeen ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Ka hawl galaya, kaddib Markii ay heshiis lagu kala saxiixday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa Maalintii Shalay Ahayd.
Kenya ayaa waxay ciidamadeeda kasoo tallaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo tan iyo xilligaas dagaallo kula jirtay xoogagga Al-shabaab.

Mar uu Hadlayay wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Maxamed Xaaji Ayaa waxaa uu Sheegay In ay soo Gabagabeeyeen Qorshihii Ay Ciidamadoodu Kaga mid noqon lahaayeen Ciidamada Middowga Africa ee AMISOM, Ka dib Markii leysku afgartay in ay ciidamada dalka kenya Xubin ka noqdaan Hawl-galka AMISOM.

Bishii December ee sannadkii hore ayuu ahaa Markii Ay Bilooween ururka Midowga Afrika Dadaaladi Ay ku doonayeen in Ay Ciidamada dalka kenya kaga mid dhigi lahaayeen Ururka Middowga Africa ee AMISOM.
Ramtane Lamamra Guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika, ayaa waxaa uu Si ay farxad ku dheehantaha u soo dhaweeeyay dalka Kenya maadaama ay xubin ka noqdeen Hawl-galada ciidamada AMISOM,

Si Kastaba ha ahaatee ku Biiritaanka ay ku biireen ciidamada dalka kenya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay Gudaha Dalka soomaaliya ay ka dagaalamayaan ciidamada dalka kenya.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya