WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen saacadihii lasoo dhaafay saraakiishii ugu badnaa ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Saraakiishan gaartay Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ku jira masuuliyiintii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ee lagala wareegay deegaanada qaar ee gobolada dalka iyo kuwa kale oo wali deegaanadooda aan lala wareegin.
Sidoo kale Waxaa kujira Masuuliyiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ahaa oo ay kamid yihiin Xasan Daahir Aweys, Xasan Turki, Fu’ad Shangole, Abuu Muscab iyo Saraakiil aan la aqoon magacooda kuwaas oo la rumaysan yahay in ay ka tageen degmada Balcad.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiishan gaartay Magaaladda Kismaayo ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku lahaayeen magaaladda.
Saraakiisha ayaa ka wada hadlayay wajiga cusub ee dagaalka kadhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. kaas oo haatan si safbalaaran ah uga soconaya guud ahaanba gobolada dalka.
Waxaa jira warar xaqiijinaya in arinta ugu weyn ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. kawada hadlayaa ay tahay qaabka loo sii wadayo dagaalka kadhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa dowlada.
Inkastoo aan xog dheer laga hayn qodobada qaar iyo waxaa ay isla garteen masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ee kulmay hadana warar aan helnay waxaa ay tilmaamayaan in la isla gartay in la difaaco deegaanadda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ee Sh.Dhexe sida Magaalada Balcad iyo Jowhar.
Waxaa kale oo jira warar sheegaya in magaaladda Marka la isugu geyn doono cududa ugu xoogan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. si loo ilaaliyo saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ee halkaas kusugan.
Magaaladda Kismaayo iyo magaalooyin kale oo kuyaal Jubada Hoose ayaa iyadana ay Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. isla garteen in si xoogan loo difaaco.
Waxaa jira xog kale oo sheegaysa in hadii lagu guul daraysto difaaciida Marka iyo Baraawe muhiimada lasiiyo Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.
Qorshaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ay isla garteen waxaa ku jira in dagaalka laga badalo wajiga hada uu kusocdo lagana dhigo mid qarsoodi ah.
Saraakiisha ajaanibta ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. ka bar bar dagaalamaya ayaa iyagana laga yaabaa in ay aadaan dhanka Yeman hadii aysan ka qeyb galayn dagaalka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xog kale ayaa muujinaysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab saraakiishooda ay aadi doonaan dhanka dhulka Howdka ah halkaas oo ay xili hore gaareen Saraakiishii Maxkamada Islaamiga ah markii laga saaray Koofurta Soomaaliya ama deegaanadda Galgala ee Puntland oo ay kusugan yihiin ciidamo iyo Saraakiil Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ah.
Si kastaba Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waayay labo magaalo oo muhiim ah sida Afgooye oo difaac u ahayd Howlgalkii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Muqdisho iyo Saraakiishooda Marka kusugan iyo Afmadow oo difaac u ahayd Bu’aale iyo Kismaayo.
Dadka Indha indheeya arimaha dagaalka ayaa sheegaya in howlgalka AMisom oo fiday, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee soo galay Soomaaliya ay keentay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay uqeybsami waayaan guud ahaan gobolada dalka taasna ay keentay in deegaano badan laga saaro.
Xafiiska Warqabadka warsom.com





