Al-shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaano Ka Tirsan Sh/Dhexe Dawladduna Hore Uga Talin Jirtey.

0
616

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Shabaab ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe.

Ciidamada badan oo Shabaab ka tirsan ayaa lagu arkay deegaanada kala ah Booroow iyo Raaxooy oo u dhaw magaalada Jowhar oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Shabaab ayaa deeganadan kula wareegay si dagaal la,aan ah kadib markii ciidankooda oo fara badan ay gaareen waxayna halkaasi ugu khudbeeyeen dadka deegaanka.

Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Shabaab inay gaareen deegaanka Qalimow oo ciidamada Shabaab isku fidiyeen.

Ciidamadii Militariga ee muddooyinkii la soo dhaafay ka cabanaayay mushaar la,aanta ayaa isaga baxay deeganada Shabaabka ay la wareegeen.

Arrintaan ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay Maamulka Hirshabelle, maadaama halis ay noqotay ammaanka wadada isku xirta Jowhar & Muqdisho oo gaadiidka si ammaan ah aysan ku mari karin.