Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Golaha shacabka Somaliya.
Yariisow ayaa sheegay Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya haddii Jimcihii ay ka qayb qaadan lahaayeen orodkii gaabnaa ee ka dhacay Muqdisho inuu ka yaraan lahaa walaaca badan ee haysta.
Waxa uu sheegay in dalkaan uu u baahan yahay xasilooni Siyaasadeed, Siyaasiyiintana looga baahan yahay inay arrintaasi door wanaagsan ka qaataan.
“Haddii Siyaasiyiinta maalinta Jimcaha ay joogi lahaayeen orodka Marathonka oo ay ka qayb qaadan lahaayeen Stresska wuu ka dagi lahaay wixii Sabtida ka dhacay Baarlamaanka kama dhici laheyn.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhawr mar waxa uu hadalo kala duwan ku weeraray Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya, isaga oo markii dambana ku qaylo dhaamiyay in hadalkiisa si qaldan loo turjumay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa sabtidii kulan buuq & fowdo ku soo dhamaaday waxa ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka Somaliya.












