Shirka Dib U Eegista Dastuurka Oo Maalintii 2-aad Ka Soconaya Kismaayo-Daawo Sawiro

0
518

Shirkan oo Maalintii Labaad Ka Socda Magaalo Xeebeedka Jubaland ee Kismaayo ayaa Waxaa ku Kulansan Gudiyada Dib U eegista Dastuurka ee Labada Gole iyo Gudiyada Doorashada Heer Maamul Goboleed ee Jubaland Waxaana La Filayaa In ay Kasoo Baxaan Qodobo Wax Ku Ool ah.

Qodobo Kamid ah Dastuurka KMG ah oo Maamul Goboleedyada La Doonayo In Lagu Qanciyo ayaa Jira Kuwaasoo In Muddo ah ay Murankoodu Jiray Kuwaasoo ay Kamid Yihiin Qeybsiga Qayraadka iyo Awoodaha Dawlad Goboleedyada Ka Midka Ah Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Qodobo Kale.

Maahan Markii Ugu Horeysey ee Maamul Goboleedyada Gudiyadani La Fariistaan Si Ay Ugu Qanciyaan Qaabka iyo Habka ugu Haboon ee Qoraalada Loo Dhigayo Siiqo ahaan Markaas Kadibna uu Soo Baxo iyoo Laysku Waafaqsan yahey.