Dagaal Xoogan U Dhaxeeya Ahlu Sunna Iyo Al-shabaab Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

0
496

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dagaal xooggan oo u dhexeeyey ciidamada Dowlada TFG-da iyo kuwa Ahlusunna oo iskaashanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid muddo kooban socdey islamarkaana si aad ah looga dareemay magaalada Baardheere ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Muudaale.

Sh. Maxamed Xuseen Al-qaadi Oo Ah Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu-sunna oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu bilowday kadib markii ay iyagu weerareen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku sugnaayeen Islamarkaana Ay Sheegeen In Ay Kala Wareegeen Goobtaasi Ay Weerarka ku Qaadeen.

Sidoo Kale Sh. Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay in ay dagaalkaas khasaare xooggan ugu geysteen Al-shabaab islamarkaana uusan jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaarey.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo dagaalkaas ku aadan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)