Prof. Gaas Oo Ka Warbixiyey Qaabka Lagu Soo Xulayo Baarlamaanka Cusub [War-saxaafadeed]

0
583

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Prof Cabdiweli Maxamed Cali Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey soo afjaridda Xilliga Kala guurka ah, iyo qorsheyaasha Roadmapka Ee Dowlada TFG-da.

Mr.Gaas ayaa ugu horreyntii sheegay in heshiiskii Soomaalida ee 6dii September 2011 uu ahaa mid taariikhi ah oo soo celiyey karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, bacdamaa heshiiskaas uu ahaa mid uu hoggaankiisa iyo wadatashigiisaba lahaayeen Soomaalida

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in 8dii bilood ee la soo dhaafay horumar baaxad leh laga sameeyey dhammaan qeybaha muhiimka ah ee uu Roadmap ku ka koobnaa sida Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo Isku xirka maamulada iyo Dowladda, Dastuurka iyo Maamul Hagaaga.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in soo afjaridda Xilliga KMG ah ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo dowlad rasmi ah

Waxuu aad ugu dheeraaday habka soo xulidda Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub oo uu sheegay inay soo xulayaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed oo kaashanay bulshada Rayidka ah,

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)