Shil Gaari Qasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Isugu Jiro Geestay Oo Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Garoowe Iyo Qardho

0
511

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Shilkaani Gaari oo khasaare geystey ayaa barqanimadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Qardho iyo Garoowe.

Qasaaraha Shilkaani Geestay gaari oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Xaaji-khayr, ayaa waxaa galay gaari nooca waaweyn ee xamuulka qaada ah.

Dhaaawacyada Ayaa waxa ay Gaarayaan Ilaa Iyo 8-kamid ah rikaabkii gaarigaas saarnaa, waxaana geeriyoodey labo oo ay Ka midtahay qof dumar ah.

Gaariga shilka galay ayaa ah nooca ay Soomaalidu (caga badan)ta u taqaan, kaas oo ka yimi dhinaca magaalada Boosaaso Ee Xarunta Maamlkaasi Ah.

Waa shilkii 2-aad ee noocaani oo kale ah oo  maanta ka dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Qardho iyo Garoowe.

Wadarta guud ee dadka labadaas shil wax ku noqday ayaa ah 22-qof, waxaana geeriyoodeey 5-qof oo isug jirey 2-caruur ah haweeney iyo labo rag ah.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)