Warqad ka soo baxday Golaha Shacabka Somaliya ayaa lagu dalbaday Baarlamaanka inay ku horyimaadaan Wasiirka Amniga,Wasiirka Gaashaanshigga, Taliyaha Ciidamada NISA, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Taliyaha Asluubta & Duqa Magaalada Muqdisho.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa warqadaasi ku sheegay inay tahay mid masuuliyiintaan wax laga waydiinaayo arrimaha ammaanka ee dalka.








