Taliyaha NISA,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Wasiirada Amniga Difaaca Oo Baarlamaanka Looga Yeeray.

0
609
Golaha Shacabka Somaliya ayaa maalinta Sabtida ee todobaadkan wuxuu u yeeray inay Baarlamaanka hor yimaadaan Wasiirada ay khuseyso difaaca & amniga iyo madaxda Ciidamada.

Warqad ka soo baxday Golaha Shacabka Somaliya ayaa lagu dalbaday Baarlamaanka inay ku horyimaadaan Wasiirka Amniga,Wasiirka Gaashaanshigga, Taliyaha Ciidamada NISA, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Taliyaha Asluubta & Duqa Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa warqadaasi ku sheegay inay tahay mid masuuliyiintaan wax laga waydiinaayo arrimaha ammaanka ee dalka.