Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo goordhawayd shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo la gelinayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Eng Yariisow ayaa shirkiisa jiraa’id ku sheegay in la bilaabayo howlgal saf ballaaran oo laga fulinayo xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho isla markaana guri guri loo galiyo.
Waxa uu sheegay in shacabka ku nool Muqdisho looga baahan yahay in ay muujiyaan dulqaan inta ay soconayaan howlgalada isagoona ka dalbaday shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska ee howlgalada fulinaya.












