Lama Oga Ujeedada Ka Danbeysa Bandaw uu shaley Sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Ing.Yariisaw In La Gelin Doono Magaalada Muqdisho,Taas oo Dad Badani Sheegeen in aysan Waafaqsaneyn Qaanuunka Dalka In Gudoomiyaha Gobolku Bandaw Kusoo Rogi Karo Caasimadda Ama Gudoomiyeyaal Gobol.
Arinkan Ayaa U Baahan In Marka Hore La Waafajiyo Dastuurka Dalka uuna u Baahanyahey in Barlamaanka La Horgeeyo,Marka uu Ansixiyana Uu Dhaqan Geli Karo oo Kaliya,Hase Ahaatee Ma Jiro Maanta Dhaqan galka Bandawgaasi,Iyadoo Gudoomiye Yariisaw Laftiisu uusan Sheegin Bandaw Lasoo Rogey Balse uu Sheegay in Magaalada Muqdisho ay Bandaw Geli Doonto.
Waa Markii Ugu Horeysey Tan iyo Dawladihii Ka Danbeeyey Dawladdii Allaha U Naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed oo Lasoo Hadal Qaado Bandaw,Tanina waxey kusoo Beegmeysaa iyadoo Qaraxyo Is Xig Xiga ay Magaalada Muqdisho Ka Dhacayeen Asbuucyadii Lasoo Dhaafey Isla Markaasna Aysan Jirin Cid Lagula Xisaabtamey oo Xil ku Weysey Ama Ciqaab Ku Muteysatey.












