Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Ee Deegaanka Garasbaalleey Oo Maanta Ka Badbaaaday Qarax Miino.

0
571

Afar ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Tareedishe iyo Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay waddad dhinaceeda ayaa waxaa lala beegsaday baabuur uu la socday gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaalleey Cabdullaahi Gumnuri, balse mas’uulkan ayaa sheegay inuu ka badbaaday qaraxan.

Qaraxyada Iyo Dilalka Ka Dhan Ah Masuuliyiinta Dowlada Oo Waayahan Kusoo Sii Kardhaya Iyadoona Aysan jirin Wax Talaabo Ah Oo Ay Qaadeen Hay Adaha Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Kaasoo Ay Wax Kaga Qabanayaan Amaanka Magaalada Muqdisho